SAWIRO:- Kulanka 10-Aad Kalfadhigiisii 5-Aad Ee Golaha Aqalka Sare Oo Furmay

0
250

Goalaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ka dooday  Ajendaha shirkooda oo ahaa  Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).

Kulankii Maanta oo ahaa kii 10-aad , kalfadhigiisa 5-aad  ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator;  Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray  hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Senator, Dr;  Osman Mohamud Dufle oo  xubin ka ah Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arrimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin qodabada wax kabadalka lagu sameeyay.

.