Ciidamada XDS Oo La Wareegay Ammaanka Deegaanka Xeraale.

0
309

War Warsidaha Gargaar.net uu ka helay Deegaanka Xeraale oo katirsan Gobolka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in Ammaanka Guud ee Deeaganku  ay Saakay la wareegeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka Deegaanka ayaa kusoo waramaya in Saakay Ay dhaayahoodu qabanayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo Gaaf wareegaya Deegaanka islamarkaana Sugaya Amniga.

Deegaanka Xeraale waxaa Dhowr jeer oo Hore kusoo Noqnoqday Dagaalo dhinaca Qabaa’ilka Ku saleysan Oo Halkaa Ku dhex maray Labo beelood oo Walaalo ah kuwaasi oo inta badan isku Qabta Dhul-Daaqsin, Ceelal Biyoodyo, iyo aanooyinka Dilal Hore.

 

Ciidamada XDS Oo Sugaya Amanka Xeraale.

Balse Ra’isulwasaare Kheyre ayaa Dhawaan mar uu booqday Deegaanku waxaa uu balan qaaday in Ammaanka Guud ee Xeraale ay la wareegayaan Ciidanka Xooga Dalka.

Jimcaha Maanta ah waxaa Deegaanka ku sugan Oo Ammaankiisu lagula Xisaabtamayaa Ciidanka Xooga Dalka Gaar ahaan Guutada 21-aad arintan ayaana Dharbaaxo Kulul ku noqoneysa Hadal Saacadihii ugu dambeeyey kasoo baxaye Odayaasha, iyo Waxgaradka Deegaanka Xeraale kaasi oo ku aadana in Ra’isul-Wasaaruhu uu ka baxay Balankii ahaa in Deegaanku ay lawareegayaan Ciidanka XDS.