Saalax Xabiib Oo Iska Casilay Xilkii Wasiirnimo Ee Uu U Magacaabay Madaxweyne Deni.

0
348

Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Iyo arimaha Federaalka Puntiland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in uu iska Casilay Xilkaa.

Waxaa uu noqonayaa Saalax siyaasiga Kaliya Ee Kamid ahaa Xukuumadda Cabduwali gaas ee hadana kamid noqda Xukuumadda Saciid Deni isaga oo Xukuumadii Gaas soo noqday Wasiirka Cadaaladda, Diinta iyo Arimaha Dastuurka.

Waxaa uu ka cudur daartay Xilka Cusub ee uu u magacaabay Madaxweynaha Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Cadaaladda, Diinta iyo Arimaha Dastuurka.

Saalax Xabiib ayaa Sheegay in Uu Si taxadar leh Uga fakaray Qabashadda Xilkan Cusub islamarkaana uu Go’aansaday in uusan Qaban.

” WAXAA SHARAF WEYN II AHAYD INAAN SHACABKAYGA AAN U SOO ADEEGAYAY 4 SANNO EE LA DHAAFAY, LANA SOO SHAQEEYY XUKUUMADDA MADAXWEYNE GAAS. MUDDO 4 BILOODNA AAN LA SOO SHAQEEYAY XUKUUMADDA DENI” ayuu yiri Saalax

HALKAN HOOSE KA DAALACO QORAALKA UU KUSOO QERE FACEBOOK.

Qoraalka Saalax Xabiib Uu Soogaliyey Bartiisa Facebook oo ku Qornaa Luqadda Engilish.

Maalmihii ugu dambeeyey Madaxweynaha Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Waday Magacaabis Balse Saalax Xabiib ayaa Sheegay in uusan Diyaarvu aheyn in uu Xilkaa qabto Xilligan kadib Markii uu Go’aansaday.