Galmudug Oo Loo Sameeyey Guddi Dub-U-Heshiisiineed.

0
247

Wasiirka arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Magacaabay Gudi Ka shaqeeya Dib-U-Heshiisiinta Galmudig.

Guddigan Oo Xalay Wasiirku uga dhawaaqay Magaaladda Dhuuso-Mareeb ayaa Ka Kooban 12-Xubnood oo 11-Kamida ay ka imaanayaan 11-Beelood oo ay Galmudug ka koobantahay halka Xubinta kalena ay ka imaaneyso Wasaarada Arimaha Gudaha.

Waxaa uu Gudigan ka shaqeyn doonaa Qaban qaabada Shir weynaha Dib u heshiisiineed ee Galmudug oo Mudooyinkii Dambe ahaayeen kuwa Siyaasiyiintoodu ay ukala qeybsamay Labo Garab oo iska soo horjeeda.

HALKAN HOSE KA DAALACO WARSAXAFADEDKA.