Beydhabo: Wakiilka Q.M Oo La Kulmay Madaxweynaha KGS Lafta Gareen.

0
216

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdulcasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Maanta Magaaladda Beydhabo kusoo dhaweeyey wafdi Balaaran oo uu Hogaaminaye wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe James Swan.

Wafdiga ayaa Markii ay Gaareen Beydhabo soodhaweyn Kadib waxaa loo galbiyey Xarunta Madaxtooyadda Halkaasi oo Ay kulamo kula Qaateen Maxaxweynaha KGS Lafta Gareen.

Kulanka oo Saacado Badan qaatay ayaa Waxaa looga hadlay arimaha Gargaarka, amaanka iyo horumarka Dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd.

James Swan waxaa uu Balanqaaday In Qaramada Midoobe ay Maamulka Koofur-Galbeed kala Shaqeyndoonto Xaaladaha ka taagan Deegaanada Maamulkaasi waxaana uu madaxda Maamulkaas kaga mahadceliyey Sida Weyn ee Loogu soo Dhaweeyey Khamiista Maanta ah magaaladda Beydhabo.

Sidookale Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya Cabdi-Casiis Lafta gareen ayaa dhankiisa Wakiilka kaga Mahadceliyey Booqashadiisa isaga Oo kaga Warbixiyey Xaaladaha Guud ee Deegaanada Maamulkiisa.

Halkan Hoose Ka Daalaco Sawiradda.