Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta soo badhigay jadwalka diiwaan galinta & shuruudaha laga doonayo Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxwaynaha Jubbaland.
Warsaxaafadeed Khamiista Maanta ah uu soo saaray Gudigu ayaa La gu sheegay in Diwangalintu ay bilabaneyso laga bilaabo TAarikhda Maanta ilaa 20-bisha iyadda oo Musharaxiinta Raga ahina laga Donayo Aduun laceeg oo dhan $30.000 (Sodon Kun Oo Doolar) Halka Kuwa Dumarkana Laga Doonayo $15.000 (Shan iyo Toban Kun Oo Doolar).
Gudiga ayaa sidookale Tilmaamay in Musharax Kasta laga Doonayo in Dukumintiga Shuruudaha ahi ee Looga baahan yahay in Xafiiska uu geeyo 21-22 bishan.
Waxaa kaloo shuruudaha Kamida In Musharax kasta Laga Doonayo in uusan Qabin Xaas ajnabi ah hadii uu Guuleystana Uusan Guursan karin inta Uu Xilka Hayo.
HALKAN HOOSE KA DALACO WARSAXAFADEDKA