Mareekanka Oo Soomaaliya Ka Caawinaya Wax Barashada 20,000 Oo Caruur Ah.

0
302

Safiirka Dowladda Mareekanka ufadhiya Soomaaliya ayaa ka hadlay Iskaashiga Soomaaliya iyo Mareekanka.

Waxaana uu sheegay in Dowladiisu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka Caawiso Waxbarashadda Reer Miyiga.

War saxaafadeed uu soo saaray Safiirku waxaa uu ku sheegay in Iyadda Oo kaa shaneysa Hey’adda Mareekanka U Qaabilsan Taageerida Dibedda ee (US Aid) ay Taageeri doonaan 20,000 Oo Caruur Soomaaliyeed ah oo kamida kudhawaad 100 Bulshadda Reer Miyiga ahi.

Dadkaas waxaa kamida Kuwa ay Sameynta ay Sameynta Ba’an ku yeesheen abaaraha ee aan Fursad u helin in ay wax bartaan. Sida Safiirku uu ku sheegay Qoraalkiisa.

Barnaamijka taageeradda waxbarashadda ee “US aid” waxaa uu sidoo kale gacan ka geysan doonaa in la dayac tiro 192 fasal iyo tababarka 450 macalimiin ah iyadoo sidoo kale loo qaybin doono 18,000 oo buugaag ah.