Jubbaland Oo Xabsiga Dhigtay Suldaan Caan Ah.

0
300

Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay Xabsiga Dhigtay Suldaan Maxamed Cismaan Yuusuf Oo Ku Magac Dheer “Kaboow” si weynna Looga yaqaano Deegaanadda Maamulkaasi.

Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Waamo oo katirsan Nanadoonada Ka soo jeeda Deegaanada Jubaland ayaa Si Caro leh Kaga Hadlay Xariga Suldaanka isaga oo Eedeyn Weyn Usoo jeediyey Madaxda Maamulka Jubaland.

Nabadoon Waamo waxaa uu sheegay in Xariga Suldaanku ay ka dambeeyaan Madaxda Maamulka Jubaland iyagga oo Doonaya in Suldaanka ay ku ku bedelaan Suldaan kale oo ay iyaga danahooda u adeegsadaan Sida uu hadalka u dhigay.

” Xariga Nabadoonka waxaa ka dambeeya Madaxda ugu sareysa Maamulka Jubaland, waxaa ay doonayaan in Ay ku bedelaan Nabadoon kale oo iyaga u khidmeeya danahoodana ka shaqeeya inta loolanka Doorashadda uu socdo” ayuu yiri Nabadoon Cabdullaahi Waamo.

“Waxaase la isku hayaa Masahlana in Nabadoonkii la iska xirto arima siyaasadeed aawadeed, Oo waxaan Soconeen oo isku Dhigmi karin Nanadoonka Dhabta ah ee Beesha iyo Mid Shaati loo gaday oo aysan jirin Cid uu matalo” ayuu Hadalkiisii Raaciyey Waamo.

Madaxda Maamulka Jubbaland ayaana dhankooda weli ka hadlin xariga Suldaan Maxamed Cismaan Yuusuf iyo eedeynta uu usoo jeediyey Nabadoon Candullaahi Waamo ee ku aadan in iyaggu ay ka dambeeyaan Dano siyaasadeedna loo xiray.