Jowhar:- Hirshabelle Oo Ay Gaartay Fariinta Qaramada Midoobe. Sawirro.

0
271

Magaaladda Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa Gaaray Wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe U qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mr. James Swan.

Wafdigan Waxaa Jowhar Ku soo Dhaweeyey Madax katirsan Hogaanka Maamulka Hirshabelle oo ay ugu Horeeyaan Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi waare, Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi iyo Mas’uuliyiin katirsan Golayaasha Maamulkaasi iyo Shacab fara badan.

Soo dhaweyn kadib wafdigan ayaa Waxaa magaaladda ay kulan kula qaateen Madaxda Maamulka Hirshabelle iyagga oo Kulamadooda la isugu soo qaaday arimo ay kamid tahay Xoojinta Xiriirka Madaxda Hirshabelle iyo Qaramadda Midoobe.

Kulanka waxaa goob joog ahaa wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobe ee Hirshabelle Mr.Benjiamin.

Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyadda Jowhar ee hirshabelle waxaa ay gargaar.net u xaqiijiyeen in Kulanka la isugu soo qaaday sidii loosii Xoojin lahaa Xiriirka labada dhinac iyo sidii Qaramada Midoobe ay usii Balaarin laheed Taageeradda Maamulkaasi ay siiso.

Waxaa uu sidookale Mas’uulkan aan la hadalnay uu sheegay in Wakiilku uu madaxda Hirshabelle  u balan qaaday in Qaramada Midoobe ay Dhankeeda Xoojin doonto Xeriirka kala Dhexeeya Hirshabelle.

Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ayaa Dhawaanahanba Socdaalo ku kala Bixinaye Xarumaha ay ku ku shaqeeyaan Maamul-Goboleedyadda Dalka isaga oo dhawaan Uu booqday Magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland isaga Oo Halkaa Kula Kulmay Madaxda Maamulkaasi Gaarsiyeyna Fariinta Qaramada Midoobe ee ku aadan Doorashada Dhawaan lagu wado in ay Qabsoonto.

HALKAN HOOSE KA DAALACO SAWIRADDA.