Midowga Yurub Oo Kordhinaya Taageerada Soomaaliya.

0
266

War Qoraala oo ka soo baxay Howlgalka Midowga Yuryb ee Soomaaliya ayaa Lagu sheegay in Midowga Yurub uu kordhinayo Taageeradda uu siiyo Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Ururku uu Soomaaliya ka caawinayo dhinaca Dimuquraadiyadda iyo Horumarinta Dadka.

Midowga yurub wuxuu shaaca ka qaaday in dowlada federaalka uu ka caawin doono dhismaha hay’addaha dowladda iyo xoojinta cadaaladda.

Gabagabadii Bayaanka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa Dhambaal tacsi ah loogu Diray Eheladda iyo asxaabta dadkii Waxyeeladu ay kasoo gaartay Weerarkii Dhawaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Cas-Caseey ee Magaaladda Kismaayo.