Maxay Tahay Fariinta Beesha Caalamka Ee Doorashada Jubbaland.

0
276

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya Waxaa kulan Kuqaatay Wakiilka XoghayahaXguud ee Qaramada miidoobe ee Soomaaliya James Swan iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka oo ahaa mid Xasaasi ah ayaa intiisa Badan looga hadlay arimaha Laxerira Doorashadda Madaxtinimadda Maamulka Jubbaland oo Dhawaan lagu wado  in ay qabsoonto hadii aysan Dib udhac uusan imaan.

James Swan Wakiilka Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobe waxaa uu Madaxweyne Axmed Islaam uu u sheegay in loo baahan yahay in Waqtigeeda ay ku dhacdo.

Waxaa kaloo Wakiilku sheegay in Beesha Caalamku ay U Baahan tahay in ay Marag Kanoqoto in ay dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah oo Waqtigeeda Ku Dhacda.

Xubno katirsan Madaxtooyadda Jubbaland ayaa Gargaar.net u sheegay in Qodobada la isku soo qaaday ay kamid tahay arinta laxeriirta Faragalinta Dowladda Soomaaliya ay ku heyso arimaha Doorashadda.

Xubnaha aan la xariirnay Waa ay ka gaabsadeen in faahfaahin Dheeraada ah ka bixiyaan arintan balse waxaa ay inoo sheegeen Kaliya Un In Qodobadii Laga Wada hadlay La isku afgartay.

Madaxda Maamulka Jubaland ayaa Dowladda Federaalka Ku eedeya in ay fara galin xoogan ku heyso Arimaha La xeriira Doorashadda Hogaanka Maamulkaasi.

Si taa ka duwan Musharaxiinta Utaagan Qabashadda Hogaanka Maamulkaasi ayaa Madaxda Jubbaland ee xilligan ku eedeeya in ay doonayaan in ay Doorashadda Ku shubtaan iyagga oo Dowladu ka dalbaday in ay soo faragaliso.