Madaxweyne Hirshabelle Oo U Duulaya Magaalada Dhuuso-Mareeb

0
281

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Waare ayaa lagu wadaa in Saacadaha ina soo aadan uu gaaro Magaaladda Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Waare ayaa la sheegay in marka uu gaaro halkaas uu lakulmi doono Ra’isul-Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Mudooyinkanba Ku Sugnaa Halkaa.

Waxyaabaha la filankaro in Madaxdu ay kawada hadlaan waxaa kamida Arimaha laxeriira Muranka Ka dhashay Xilka qaadistii Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo dhawaan Xilka laga qaaday Diiday inkaatoo mar dambe uu ogolaaday Xilkana uu wareejiyey.

Wariye Madax banaan oo ku sugan Beledweyne waxaa uu Warsidaha Gargaar.net u Sheegay in Xilligan ay soconeyso Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Socdaalka Waare.

Xunbo katirsan Xafiiska Madaxweyne Waare waxaa ay dhankooda Gargaar.net u sheegeen in Madaxweynuhu Uu uyeeray Ra’isul-Wasare kheyre lana Filayo in ay kawada hadlaan arimaha Gobolka Hiiraan gaar ahaan Khilaafkii Dhawaan ka dhashay Xilka qaadistii Dabageed iyo Shaqaaqadii la dhalatay.

Wixii kusoo kornaa kala soco Gargaar.net “U Hiiliyaha Umadda Soomaaliyeed”