Duqa Muqdisho Oo Faray Laamaha Amniga Sooqabashada Ragga Dhaca U Geysto Shacabka.

0
219

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Cabfiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisoow ayaa Sheegay in Gacanta lagu soo dhigay Rag Hubeysan Oo xiliyada Habenkii Dhac Ugeysan Jiray Shacabka Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho.

Eng Yariisoow waxaa uu arinkan kaga hadlay Shirka Amniga Caasimadda oo Xalay uu shir Gudoomiyey Kaasi oo intiisa Badan lagu lafo guraye Arimaha Laxeriira Xaqiijinta Ammaanka Guud ee Caasimadda.

Taliyeyaasha Ammaanka Gobolka Ayaa Gudoomiyaha uga Warbixiyey Arimaha Laxeriira Ammaanka iyo Rag Hubeysan Oo Xiliyada Habenkii Dhac ka gesan jiray Drgmoyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Cabdul-Casiis, iyo Deyniile.

Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa Sheegay in Ragan gacanta lagu soo dhigay Mudo lagu daba jiray.

Midkamida raggan ayaa la sheegay in uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray soo qabashadiisa xilli dagaal kooban uu dhex maray isaga iyo ciidamadda Ammaanka waxaana la xaqiijiyey in uu u geeriyooday dhaawacaa.

Duqa Muqdisho ayaa Faray laamaha Ammaanka In ay shacabka Caasimadda ka dulqaadaan ragga Dhaca Ugeysanaya.