Al-Shabaab Oo Baaq U Dirtay Ergadii Soo Xushay Baarlamaanka, Mudana U Qabatay.

0
425

War Ka soo baxay Hogaanka Xarkadda Al-Shabaab ayaa Baaq Loogu Diray Ergadii ka qeybqaadatay Soo Xulista Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Maamul-Goboleedyadda.

Qoraalka Al-Shabaab oo ay ku Baahiyeen Baraha Bulshadda oo Wararkoodu ay ku Faafistaan Oo ku Qornaa Luqadaha englishka iyo Soomaaliga ayaa Lagu Sheegay In Ergedu ay ku dhaceen Qalad weyn Loona Baahan yahay in ay Kasoo Laabtaan oo ay ka bari bari no Ficilka ay ku dhaceen.

Xarakada Al-Shabaab ayaa Bayaankeeda Ku Xustay in Ergadu loo qabtay Mudo 45-Maalmood ah oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019 in ay Odayaasha Ergeda ahaa ay isaga Soo Diiwaan galiyaan Maamuladda Weliyaadka Xarakadu ay ku leeyihiin Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya” sida hadalka lagu yidhi.

Bayaanka Al-Shabaab oo ka koobnaa Ilaa Sedex Bog ayaa Sidookale loogu hanjabay Odayaasha Soo Xulay Xildhibaanadda in ay ka faa’ideystaan Baaqa iyadda oo hadii ay ka faa’ideysanna lamarin doono shareecada  sida ay hadalka u dhigeen.
.
Todobaadkii Hore ayey aheed Markii Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo katirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya uu Goluhu Ka Hor sheegay in  Ergedii Soo Dooratay ay u yeereen Al-Shabaab islamarkaana ay Jiraan Deegaanka Iidaale Oo Katirsan Gobolka Baay.