Dowladda Qadar Oo Ka Qeybqadaneysa Dib U Dhiska Iyo Tababarida Ciidanka Ahlu-Sunnah.

0
239

Magaaladda Dhuuso Mareeb waxaa Shalay Gaaray Wafdi ka socda Dowladda Qatar kuwaasi oo isugu jira Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Wufuudan ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay kaalin wax ku oola uga qaadan lahaayeen Tababaridda iyo Taageeridda Ciidamadda  Ahlu-Sunnah ee dhawaan ay la wareegtay Dowladda Federaalka.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaan dhiga Soomaaliya maxamed Cali Xagaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in Kulamo Fara badan ay Dhuuso Mareeb Kula qaateen Sarakisha iyo Madaxda Kasocta Dowladda Qatar Mas’uuliyiinta DFS oo Uu ugu horeeye Ra’isulwasaare Kheyre.

Waxaa uu sheegay in ay balanqaadeen sidii ay Uga qeybqaadan lahaayeen Dib udhiska iyo Tababaridda Ciidanka Ahlu-Sunnah ee Dhawaan La Qarameeye.