Cidamada Ammaanka Jubbaland Oo Howlgal Ka Fuliye Kismaayo.

0
287

Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Kismaayo ayaa Sheegaya in Ciidamadda Ammaanka Jubbaland ay Howlgalo Qorsheysan ka fuliyeen Guud ahaan Xaafadaha Magaaladda.

Afarta Xaafadood oo ay Magaaladdu ka kooban tahay ayaa la sheegay in Ciidamadu ay Guri Guri u baarayeen iyagga oo Baadi Goob Ugu Jira Ka hortaga Falal lamida Tii Dhawaan Gilgishay Kismaayo.

Howlgaladan ayaa ah kuwa aan weli Nuucooda hore uga dhicin Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose iyadda oo ay joogaan Weerarkii Qaraxyada iyo Tacsiirada Isugu Jiray ee Maalin Kahor Ruxay Kismaayo.

Saraakiisha Ciidamadda Ammaanka Iyo Madaxda Maamulka Jubbaland ee Waqti Xileedkoodii uu sii dhammaanayo weli kama aysan hadal Howlgaladaa Iyo Cidda lagu soo qabqabtay Balse wixii kasoo Baxa Waan Idin soo baahin Donnaa insha’allah.

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa lagu wadaa in dhawaan ay marti galiso Doorashooyinka Baarlamaanka iyo  Madaxtinimadda  Maamulkaasi iyadda oo ay ku loolamayaan Mas’uuliyiin Fara Badan Oo Galaangal Siyaasadeedna Ku leh Deegaanadda Maamulkaasi.

Balse waxaa laga baqdin qabaa in Doorashooyinka ay wajahaan Dib udhac waqtigii loogu tala galay ah waxaana xusid midan in Xilligan Dib udhac uu ku yimid Mudadii Loo asteeyey In Beeluhu ay soo Xulaan Xubnaha Baarlamaanka ee Siyaasadda Ku Matali lahaa.