Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeye Weerarkii Kismaayo.

0
242

Warsaxaafadeed Laga Soo Saaray Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa looga hadlay Weerarkii Gilinkii Dambe ee Shalay Dagaalyahano Hubeysan Oo Katirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Madiina Ex-Cascaseey ee Magaaladda Kismaayo.

Inta laxaqiijiyey kudhawaad 30-Ruux ayaa ku geeriyootay Weerarkaasi iyadda oo in kabadan 69-Ruuxna uu dhaawac ka soo gaaray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa Sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaasi iyadda oo ay qeeb kanoqonayaan Weeraradda Ay Kooxdu ka Fuliso Goboladda Dalka ee laga Gaabiyey Ka Hortagiisa.