Maqaal:-“Wadan Barwaaqo Dadkiisuna Baahan Yahay” W/Q: Zakariye Qaran

0
379

Dalkeena Soomaaliya Rabi waxaa uu ku maneestay kheyraad fara badan balse dadka soomaaliyeed ugama faa’iideystaan sidii loo baahnaa.

Soomaaliya waxaa ay leedahay xeebta Africa ugu dheer taasoo dhirir keedu yahay 3,333 Km waxaana uu rabi uu ku maneestay kheyraad aad ufara badan balse sidii larabay soomaalidu ugama faa’iideystaan.

Waxaa jirta in soomaaliya ay leedahay shaqooyin fara badan hayeeshee dadkuunu mafahansana ama shaqo uma yaqaanaan ama looma ogola oo dadkeenu waxaa ay aad ujecel yihiin shirkad hebel waxaa ka shaqeeya ajaanib oo ajaanibta ayaa goobaha qaar laga shaqaleysiiyaa iyadoo ay jirto dadyoow soomaaliyeed oo waxbartay aqoonna u leh in ay waajibka shaqadaa gutaan waa hadii fursad loo siiyo e.

Tusaale dekeda magaalada xamar iyo airport-ka aadan cabdulle ee kuyaala magaalada muqdisho waxaa maamula shirkado Turki  ah.

Waxaa markii hore dekeda ka xamaalan jiray shaqaale soomaali ah oo muruqooda maali jiray balse iminka waa shaqo la’aan oo halkii waa laga ceyriyey.

Waxaa suuragal ah in ay jiraan dadyoow soomaali ah oo laga yaabo in ay aqoon durugsan uleyihiin shaqada ay Turkigu Hayaan Balse soo Uma Muuqata in taasi aynu ka jecelnahay in ajaanib ay inoo shaqeeyaan.

Dekedda-Muqdishoi1

Tusaale kale waxaad arkeysaa companiyada ugu waaweyn dalka ee dhawaanahan dalku ka hanaqaaday waxaa arkeysaa waxaa ka howlgala oo shaqooyinka ugu muhiimsan ka qabta dad ajaanid ah iyadoo la heli karo soomaali shaqadaa qaban karta balse jaanis looma siiyo in ay ka shaqeyaan soo uma muuqata in Soomaalidu aysan jecleen dadkooda oo ay ka jecel yihiin Ajaanib ayaa hoowshan qabtay ama Compani-gan Ka Shaqeeyo.

waxaa jira in dalkeenu uu leeyahay beero fara badan oo ay ka baxaan dalagyada nuucyadeeda kala duwan waxaa maalgashata oo dhaqaale iyo juhdi fara badan ku bixiya soomaali balse markii loo baahnaa in ay gurtaan mirahii beerahooda kazoo go.ay sida Galeeyda Iyo Digirta oo ay ka helaan faa’iidooyin waxaa Dalka lakeenaa mucaawino Katimid dalka dibadiisa oo ay keenaan Hey’adaha Qaramada Midoobe Ayagoo Kusoo Beega Xiliyada Dalagyada Beeraheena Ay Soo Go’Aan.

Majirto cid arimahaa kala hadasha Hey’adahaa iyadoo dowladdu looga baahnaa in hey’aduhu ugu yaraan ku qanciso in ay ugu yaraan raashinkan ay qeeybinayaan ay ka iibiyaan ganacsatada soomaaliyeed eel eh beeraha oo aysan ka iibin dibadda.

Dhinaca kale waxaad arkeysaa dhalin yaro fara badan oo shaqo la’aan ah hadane ah xirfad yaqaano/xirfad leh hadane aan ku baraarug saneen in ay ku shaqeeystaan

Dhalintu qaar waxaa ay yaqaanaan in ay timaha jaraan /xiiraan oo ay xirfad ahaan aad uyaqaanaan balse kuma shaqeeyaan.

Dhalinta qaar waxaa ay yaqaanaan/ama ay qaban karaan in ay gawaarida dhaqaan ama ay ka xeeyaan hadane waa ay iskala weyn yihiin ama waxaa ay howlahaa qabtaan marka ay tagaan dalka dibadiisa ayagoo ka xishoon haya ama iskala weyn ama aanba ku baraarugsaneyn hade soo ma wanaagsana in ay shaqeystaan oo aysan dirbiyada lafadhin fadhi ku diri ileen soomaali waxaa ay tiraahdaa “Shaqaa Sharaf leh”.

Ugu dambeyntii iyadoo ay jiraan fursadahaa iyo kuwo kale dalkuna uu yahay mid barwaaqo ah ayey dadkiisu yihiiin kuwo aan sidii larabay uga faa iideysan sidaa daraadeed soo Uma Muuqata Dal Barwaaqo Dadkiisuna Uu Baahanyahay.

W/Q: Zakariye Maxamuud Cali {Qaran}