Puntland iyo Galmudug Oo Ka Horyimid Hindiseyaal Iyo Shuruuc ay Dowladda Dhexe Ay Gacanta Ku Heyso.

0
266

Madaxda Maamuladda Puntiland Iyo Galmudug Oo Kulan Maanta Isugu Yimid Xarunta Madaxtooyadda Puntiland ee Magaaladda Gaalkacyo ayaa Kawada Hadlay arimo khuseya Labada Dhinac.

Kulankan waxaa Goobjoog ahaa Xubno Wasiiro Iyo Xildhibaano osugu jira kuwaasi oo katirsan Labadda Maamul ee Puntiland iyo Galmudug.

Gaba-gabadii Kulanka ayaa Madaxda Labada Maamul waxaa ay soo saareen War Murtiyeed ay Isku Waafaqsan yihiin kaaso oo Quseeyey waxyaabihii ay ka wada hadleen Oo Ay Kamid tahay Arimaha laxerira Nabad Galyadda Ammaanka iyo Arimo ku Sabsan Hindise Yaal Dowladdu ay gacanta ku heyso oo ay sheegeen in aan Habayaraatee laga talagalin.

Madaxda Maamuladda Puntiland iyo Galmudug ayaa War-Murtiyeedkooda Kaga Hadlay Arimaha Ammaanka Iyo Mabad Galyadda Iyo Sidii Labada Maamul ay isaga kaashan lahaayeen.

Saciid Cabdulaahi Deni iyo Axmed Ducaale Xaaf Madaxweyne Yaasha Maamuladda Puntiland iyo Galmudug ayaa Warsaxaafadedkoda kaga Hadlay Shaqaaqo 21-bishan Ka Dhacday Tulo kutaala Galbedka Magaaladda Galkacyo waxaana ay shegeen in  ay muhim tahay in si dhaqso ah lo soo afjaro.

War Murtoyedka oo kakobnaa 8-Qodob waxaa kaloo kamid ahaa in Madaxda Labada Maamul ay yeeshaan Mowqif Siyaasadeed Oo Mida Sida Dhinacyadda Ammaanka, Nabad-galyadda iyo Arimaha Laxeriira Dhismaha Dowladnimadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaana ay sheegeen in umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba ay ku wargalinayaan in aysan qeyb ka aheyn islamarkaanna aysan Waafaqsaneen Sharciyadda Doorashooyinka, Batroolka iyo Xeerka Canshuuraha Oo Dowladda Soomaaliya Ay Gacanta Ku Heyso oo aysan Qeyb Kanoqon doonin Wixii Go’aano ah ee ka soo baxa hadii aanan Go’aanadda Masiiriga Ahi aan lagi gaarin Wada Tashi iyo Wada Ogol Dowladda Dhexe iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Gabagabadii Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay dhisan doonaan Labada Maamul Guddi Farsamo oo ka Qeyb-qaata Adkeynta iyo Wada Shaqeynta dhinacyadda Ammaanka iyo Siyaasadda ee labada Maamul.

Halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka.