Maryan: “Hooyadeey Ayaan Ka Balan Qaaday In AannIs Dilin” (Qiso-Xanun Badan).

0
472
Maryan Waxaa Ay Ka shekeyneysaa Dhibtii Gaadhay Markii ay Iyadda iyo Hoyaded Afdubteen Koxda ISIS/Daacish.

 

Maryan waa gabar kasoo jeedda qoomiyadda Yaziidiga ee dalka Ciraaq waxayna BBC-da uga sheekeyneysaa qisadeeda argagaxa leh ee ku saabsan afduubkii ay u geysteen xooggaga kooxda Daacish.

Sannadkii 2014-kii, kooxda isku magacowda dowladda Islaamiga ah ee ISIS ayaa qabsatay xaafadaha ay daganaayeen dadka Yaziidiyiinta ah ee dalka Ciraaq.

Waxay gacanta ku dhigeen haween iyo carruur ay tiradoodu gaareyso 6,000.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa Maryam iyo hooyadeed, oo ay kaxeysteen dagaallameyaasha Daacish.

“Waxay ii xireen suunka la isku qarxiyo. Waxaan ahaa 12 sano jir markii ay ISIS i afduubteen, waxaa la iga iibiyay 8 nin laakiin 3 kamid ah oo kaliya ayaa i kufsadeen, inta kalena waxay iga dhigan jireen shaqaale”, ayey tidhi Maryam.

Gabadhan intii ay gacanta kooxdaas ku jirtay waxaa soo wajahay dhibaatooyin dhanka maskaxda ah, waxaana hadda ku adag inay si caadi ah u hadasho.

“Kahor intii aan la i afduubanin, hadalka ima dhibi jirin waxaase sabab u ah dhibaatadii aan la kulmay, marar badan ayaan isku dayay inaan isdilo laakiin kuma dhaqaaqin. Hooyadey ayaa halkaas joogtay, hal mar ayaan la kulmay, waxaana ka ballan qaaday in aanan isdili doonin”.

Markii la kaxeystay waxaa laga fogeeyay hooyadeed, mana aysan ogeyn halka loo qaaday.

4 sano kadib, Mar waxaa u suurta gashay inay kasoo baxsato raggii addoonsiga u heystay, laakiin hooyadeed ayaa ilaa iyo hadda la la’yahay, lamana oga meesha ay ku dambeyso.

Maryam aabaheed wuxuu ka walwalsan yahay maqnaashaha xaaskiisa
Maryam aabaheed wuxuu ka walwalsan yahay maqnaashaha xaaskiisa

“Waxaan jeclaan lahaa in aniga aan dhinto oo taas baddalkeedana ay carruurteyda hooyadood kusoo laabato guriga, Maryam ayuu dhibka ugu badan gaaray mar walbana waxaan u sheegaa inay iska illowdo qisadii soo martay”, waxaa sidaas ku cataabay Aabaheed.

Dhibaatada ka dhacdaydalka Ciraaq ayaa horseedday in dad badan ay maskaxda ka waxyeelloobaan.

Waddanka waxaa ku yar dhakhaatiirta dhimirka daweysa ama kuwa u tababaran inay dadka maskaxda u dajiyaan.

Qiyaas la sameeyay ayaa lagu sheegay in 300,000 oo ruux uu kusoo aadayo hal dhakhtar oo kaliya.

Rita waa dhakhtarad dhanka dhimirka ah oo taageero dhaqaale ka hesha hay’ad aan dowli ahayn oo ajnabi ah.

Waxay isku daydaa inay Maryam ka caawiso sidii ay ku illoobi lahayd xanuunkii darnaa ee soo maray intii afduubka loo heystay.

Qisada dadka Yaziidiyiinta ah ee ay dhibaatada kasoo gaartay ISIS ma aha tan oo kaliya, nbalse waxaa jira boqollaal qiso oo kale, sida tan hoos ku xusan.

Sheekada ku saabsan Ashwaaq

Ashwaq

Gabadh yar oo Yazidi ah oo laga iibiyay kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ayaa BBC-da u sheegtay taariikhdeeda naxdinta badan leh, kadib markii ay u soo baxsatay dalka Jarmalka taasi oo si waji-ka-waji ah wadada kula kulantay ninki iyada afduubtay.

Ashwaq 14 sano jir ayay ahayd markii dagaalyahanada kooxda isku magacawday Dowladda Islaamka ay qabsanayeen waqooyiga Ciraaq, oo ka mid ahaa dhulka dadka Yazidi.

Waxa ay si khasab ah ku haysteen kumaan dumar ah oo ay ka mid ahayd Ashwaq, waaxaana iyada 100 doolar looga iibiyay nin lagu magaacaabo Abu Humam.

Ashwaq waa la jirdilay oo la kufsaday, balse nasiib wanaag 3 bilood kadib waxaa u suuro gashay in ay baxsato oo ay u tahriibto Jarmalka, iyada, hooyadeed iyo mid ka mid walaaleheed.

Dhowr bilood ka hor waddo ku taallo banaanka suuq laga dukaameeysto ayay ka maqashay qof magaceeda ugu yeerayo.

Ashawaaq ayaa BBC-da u sheegtay: ” gaari ayaa agteeyda bareegga lagu qabtay. Waxa uu fadhiyay shirka hore ee gaariga. Waxa uu igula hadlay luuqadda Jarmalka waxa uuna I weeydiyay ‘ adiga Ashwaq miyaa tahay? Aad ayaan isugu naxay oo waan gariirayay. Waxa aan ku iri ‘Maya, ee adiga kumaa tahay?”’

Waxa ay tiri waxaa uu ku jawaabay ” Waan ogahay Ashawaaq ayaa tahay, anigana waxaan ahay Abu Humam.”

Ashwaq waxa ay tiri intaa kadib waxa uu bilaabay in uu luuqadda carabiga kula hadlo waxa uuna ku yiri been ha ii sheegin.

”waan ku garanayaa, ayuu yiri. Xageese ku nooshahay, yaana la nooshahay? Wax walba waa uu ogaaday oo nolosheeyda Jarmalka ku saabsan.”

Waxa ay tiri: Nolosheydii kumaanan fakarin wax noocan ayaad Jarmalka ku arkeysaa.

Waxa aan ka soo tagay qoyskeeyga iyo wadankeyga waxaana soo aaday Jarmalka si aan u ilaawo jirdilkii iyo xanuunkii la’ii geystay. Ugu dambeyntii waxaan la kulmay ninkii daacish ka tirsanaa ee iqafaashay kadibna ogaadaay wax kastoo nolosheyda ku saabsan.

Waa sheeko badeleysa qalbigaaga

Dacwad oogaha federaalka ayaa sheegay in Ashwaaq ay booliska u gudbisay dhacdada shan maalmood kadib. Ashwaaq ayaa sheegeysa in ay wax walbo u sheegtay baareyaasha oo xitaa ay ka mid tahay dhacdadii naxdinta badan lahayd ee Ciraaq.

Booliska ayaa Ashawaaq u sheegay in haddi ay mar labaad la kulanto Abu Humam ay la soo xiriirto booliska durbadiiba.

Waxa ay sidoo kale booliska u sheegtay in ay baaraan Kaamirada qarsoon ee suuqa laga dukaameysto balse waxa ay sheegatay in ay taasi dhicin.

“Waxa aan sugayay bil dhan”,ayay tiri, balse ilaa iyo haatan wax jawaab ah ma aysan helin.

.

Haatan waxaa cabsi xoogan ku haya Abu Humam waxa ayna rajeyneysaa in ay dib u midoobaan afar gabdhood oo walaaleheed ah oo ugu dambeeysay markii ay Ciraaq ka soo qaxday.

Ashwaaq haatan waxa ay dib ugu laabatay waqooyiga Ciraaq, iyadoo ka tagtay magaalada Schwäbisch Gmünd oo ay rajeyneysay in ay nolol cusub ka bilaabato.

“Hadii aadan soo marin dhibaato tan la mid ah ma garan kartid xanuunka ay leedahay… waa arrin wadnaahaga taabaneysa” ayay tiri. Marka gabadh ay kufsadaan kooxda daacish, ma qiyaasi kartid saameynta ay leedahay marka aad dib ula kulanto ninkaan.

‘Ma ahan kiis laga seexday’

Frauke Köhler, afahayeenka maxkamadda ugu sareeysa ee Jarmalka ayaa sheegay in booliska ay isku dayeen tallaabo kasta oo Abu Humam lagu soo qaban karo balse waa ay u suuro gali weysay.

Marki ay booliska isku dayeen in ay mar labaad Ashwaq la xiriilaan bishii June ee sanadkan arrimo la xiriira baaritaanka dhacdadaasi, Ashwaq waxa ay ku laabaty Ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee, dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee ku sugan Jarmalka ayaa sheegaya in kiiskeeda aan laga gaabin.

Ashaq ayaa lafteeda sheegaysa in ay maqashay dhacdooyin kuwaan la mid ah oo qabsaday gabdha kale ee Yazidi ah oo iyagana ka soo baxsaday dagaalyahanada Daacish.

Haseyeeshee dhamaan kiisaka laguma war galin maamulada.

‘Dib uguma laabanayo Jarmalka’

Haatan waxa ay ku laabatay gobolka Kurdistan, waxa ayna ku nooshahay xero qaxooti ah, Ashawaaq waxa ay weli doonaysaa in ay sii wadato wax barashadeeda balse iyada iyo qoyskeedaba waxa ay doonayaan in ay wadanka ka tagaan.

“waxaa na cabsi galiyay dadka IS,”aabeheed ayaa sidaasi BBC-da u sheegay.

Laankiin arrintii ay Ashwaaq kula soo kulantay Jarmalka ayaa saameyn weyn ku yeelatay nolosheeda.

“Xitaa hadii ay dunidoo dhan bur-burto, dib uguma laabanayo Jarmalka,” Ayay tiri.

Waxa ay intaasi ku dartay, sida dadka kale Yazidis-ka ah, qoyskeeyga waxa ay dalbanayaan in ay ku noolaadaan dalkaasi Australia kaasi oo ay qeyb ka ah mashruuc loogu tala galay dumarka ay kufsadeen kooxda Daacish