DEG DEG:- Taliyihii Cidanka Isku Dhafka G/Mudug Oo Lagu Dilay Galkacyo.

0
368

Taliyihii Ciidanka isku Dhafka Gobolka Mudug Korneyl Qaliif Nuur shiil Ayaa Goor Dhow Lagu dilay Magaaladda Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ilo Lagu kalsonaan karo ayaa Gargaar.net u xaqiijiyey Geerida Korneelka.

Ciidamadda isku dhafka ah ee Magaaladda Galkacyo kuwaasi oo kala matala Maamuladda Puntiland iyo Galmudug ayaa Haatan wada Howlgalo Baaxad weyn kuwaasi oo ay ku baadi goobayaan Dadkii Dilkaa Ka Dambeeyey.

Weli majirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda Dilkan.

Sarakiil katirsan Kuwa isku dhafka ee ka howlgala Magaaladda Galkacyo oo aan la xeriirnay waa ay ka gaabsadeen In ay ka hadlaan Sida Dilkan uu u dhacay iyagga oo ino sheegay in haatan ay howlagalo wadaan islamarkaana natiijada dib warbaahinta kala wadaagi doonaan.

Wixii ku soo kordhaa kala soco gargaar.net