XFS Oo Ka Hadashay Go’aanka Kenya ay Ku Hakisay Duulimaadyadii Diyaaradaha Ee Muqdisho iyo Nairobi.

0
379

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa Xaqiijiyey wararka Sheegaya in Kenya ay joojisay Duulimaadkii Diyaaradaha ee sida Tooska ah u xiriirin jiray Garoomada Diyaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Khamiistii ay soo gaartay Qoraal ka socda Laanta Duulista Hawada Kenya kaasi oo ku aadanaa in Kenya ay joojisay Duulimaadka Tooska ah ee Diyaaradaha Kabaxa Muqdisho ee sida Tooska ah uga Dagi jiray Garoonka Joma Kenyattta Ee Magaaladda Nairobi iyadda oo Diyaaraduhu ay maridoonaan Garoonka Magaaladda Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Mr Oomaar ayaa Sheegay in uusan garaneyn Sababta Go’aankan soo dedejisay Balse ay dhankooda wadaan latashiyo arinkaa ku aadan wixii falcelin ahna dib kala wadaagi doonaan warbaahinta.

waxaa uu Carbaabay in aysan aheyn Talaabo dhinaca Ammaanka ahi oo uu Xusay in Ammaanka Garonka Muqdisho uu lamataano yahay Garoomadda waaweyn ee Caalamka.

Duulimaayadda Tooska Ahi ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa Dib u bilowday sanadii 2017-dii taasi oo kadambeysay markii heshiis dhinacyo badan taabanaya ay wada gaaren Madaxda Soomaaliya iyo Kenya.