Xukumadda Soomaaliya Oo Markale Shaacisay Go’aankeeda Khilaafka Khaliijka.

0
330

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Markale Shaacisay Go’aankeeda ku aadan Khilaafka ka dhex aloolsan wadamada Khaliijka.

Wasiirka wasaaradda arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxaa uu sheegay in Khilaafkaa ay Soomaaliya ka qaadatay Go’aan Dhex dhexaad ah welina ay ku taagan tahay.

Isaga oo khudbad ka jeedinaye Shir uu soo qaban qaabiyey Machadka Ka faalooda arimaha Diplomaasiyadda oo hoostaga Qatar shirkaa oo Cinwaan Looga Dhigay “Geeska-Africa” ayuu Wasiir Cawad Xusay in Soomaaliya ay weli ku taagan tahay Go’aankii shalay ee ahaa dhex dhexaadnimadda.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Soomaaliya ku cadaadinaya sidii ay uga noqon laheed go’aankeeda oo ay uga mid noqon laheed isbahaysigan ka dhanka ah Qatar Balse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xajisaneysa Go’aankeeda oo ka biyo diidsan In loomeeeiyo Go’aanada ay qaadaneyso.

Wasiirka arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxaa uu Sheegay in DFS ay ubaahan tahay in ay u Madaxbanaanaato Go’aankeeda iyo Dhulkeeda.

Tan iyo Markii Soomaaliya ay Khilaafka Khaliijka ka qaadatay Go’aankan Dhexdhexaadka ah waxaa uu sheegay wasiir Cawad in ay ku yeelatay Saameyn Ba’an Balse aysan ka noqon doonin Go’aankooda.