DFS Oo Shaacisay In Berito La Fasaxay Dhammaan Shaqaalaha Dowladda.

0
286
War Sugan Oo Aan Dhanna Ujanjeerin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Maalinta Brrito ah Oo ah Arbaco Taariikhduna ku Beegantahay 01-05-2019 la fasaxay Dhammaan Shaqaalaha Dowladda Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Aduunka Aawadeed.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada XFS Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Sheegay in Berito oo Arbaco ah Shaqaalaha Dowladda ay Yihiin Kuwo Fasax ah Munaasabada Maalinta Shaqaalaha Aawadeed.

Wasiir Warfaa ayaa Dhambaal Hampalyo ah u diray Guud ahaan Shaqaalaha Soomaaliyeed Meelkasto oo ay joogaan isaga oo u rajeeyey Bashbash iyo Barwaaqo in ay ku gaaraan Sanadkan kiisa Xiga.

Iyadda oo Berito ay ku beegan tahay Maalinta Caalamiga ee Shaqaalaha Aduunka ayaa waxaa Xusid mudan in Soomaaliya ay ku ku su yihiin Dhalin yaro fara badan oo waxbartay kuwaasi oo ay u dheertahay Shaqo La’aan Dilootay una Baahan Fursado shaqo si ay Noloshooda ugu Maareeyaan.