Dab Xoogan Oo Ka Kacay Suuqa Bakaaraha.

0
288

Dab xoogan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka kacay Suuqa-weyn ee Bakaaraha gaar ahaan Halka Looyaqaano Cabdalla Shideeyey.

Dabkan oo geestay khasaare hantiyadeed ayaa lagu soo waramayaa in uu umuuqdo mid sii xoogeysanaya.

Goobjooge ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa Inoo sheegay in Xilligan ay soconeyso Dadaalo lagu doonayo in lagu baqtiiyo dabkan oo ka bilowday dhismaha Al-Khaliij oo kuyaala Cabdalla Shideeyey Halka Looyaqaano oo kamida Suuqa Weyn Ee Bakaaraha.

Dandamisyo fara badan ayaa xilligan ku howlan sidii dabkan loo damin lahaa sida Goob jooge halkaa ku sigan uu inoo xaqiijiyey.