Sri Lanka Oo Laga Mamnuucay Xirashada Indho-Shareerka.

0
284

Wadanka Sri Lanka waxaa Laga Soo warinayaa in Guud ahaan Wadanka laga Mamnuucay Indho-Shareerka/Neeqaabka Ay Xirtaanka Dumarka Kadib Markii Qaraxyo Waaweyn oo qaarkood ay fuliyeen Shaqsiyaad Xiran Indho-Shareerka ay dalkaa ka dhaceen.

Wadanku waxaa uu ka soo kabanayaa Sameynta Qaraxyadii Gilgilay Axadii waxaana Guud ahaan wadanka ka soconaya Baadigoobka loogu jiro dadyoow lagu tuhmayo ku lug lahaanshiyaha Qaraxyadii ugu dambeeyey ee gilaaftay Nolosha Dad Fara Badan oo aan Waxbo galabsan.

Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa Talaabadan ku tilmaamay in ay tahay mid ka saacideysa sidii ay u aqonsan lahaayeen dadkii ka dambeeyey Muujadihii Qaraxyada ahaa.

Madaxweyne Maithripala Sirisena ayaa mamnuucista ku hir-geliyey sharciga xaaladda deg degga ah ee dalkaas, wuxuuna dhaqan galay maanta.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aqoonyahannada golaha Islaamiga ah ee ugu sarreeya dalkaas ay si ku meel gaar ah u taageereen tallaabadan sababo amni dartood, hase yeeshee waxay diideen in la mumnuceen burqaha ay haweenka xirtaan.

Dhinaca kale, warbaahinta dalka Sri Lanka ayaa werisay in booliska ay aqoonsadeen haweeney iyo gabar sabtidii laga soo saaray burburka toogasho dhex-martay ciidamada ammaanka iyo mintidiin, taasi oo ay ku dhinteen 15 qof oo ay ku jiraan lix caruur ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in labadan qof ay yihiin xaaska iyo gabadha Zahran Hashim oo ah ninka la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qaraxyadii Easter Sunday oo ay ku dhinteen in ka badan 250 qof.