DFS Oo Fariin U Dirtay Soomaalida Ku Nool Suudaan.

0
283

War qoraal oo ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa fariin culus loogu diray dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkaasi.

Safaaradda ayaa ugu baaqday Soomaalida in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, inta ay taagan tahay xaaladda adag ee haatan ka jirta dalka Suudaan.

Xiisada  ayaa ah mid kasacn, taasi oo ka dhalatay is casilaad deg-dega ah oo uu maanta sameeyay madaxweynihii dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir.

Milatariga Suudaan ayaa talada la wareegay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in la xiray Madaxweyne Al Bashiir.

Halkan Hoose Ka Daalaco Warsaxaafadedka.