Axmed Baasto:- “Waqtigeeda Kama Dib Dhaceyso Doorashada Galmudug”.

0
324

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Fadhigiisu yahay Magaaladda Cadaado ayaa waxaa uu ka hadlay arinta mudooyinkii dambe Muranka uu ka taagnaa ee ku aadan Xilliga Laqabanayo Doorashadda Mamulkaasi.

Axmed Baasto Oo Maamulkiisu uu ka arimiyo Cadaado oo qura waxaa uu sheegay in Doorashadda Galmudug loo baahan yahay in waqtigeeda aysan Marnaba ka dib dhicin Waqtigeeda.

“Maamulkeygu waxaa uu ku dadaalayaa sidii Deegaanadda Galmudug ay uga dhici laheed Doorasho Waqtigeeda aanan ka dib dhicin iyadda oo taasina ay tahay Waajibaadka ina saaran ee Dastuuriga ahi” ayuu yiri Axmed Baasto Oo La Hadlaye Midkamida Idaacadaha Magaaladda Muqdisho.

Mudoyinkii dambe waxaa lagu muransanaa Waqtiga loo dareerayo Doorashadda iyadda oo Dowladda Soomaaliya ay Shaacisay In Doorashada Laqaban Doono Bisha Juun halka Madaxweyne “Xaaf” iyo Madaxada Xukumadda Galmudugna ay shaaciyeen in Doorashadda la qaban Doono Sedex sano kadib.

Falanqeeye-yaasha Arimaha Siyaasadda ayaa qaba in Galmudug ay u baahan tahay Dib u heshiisiin Dhab ah kahor Doorashadda Maadaama Maxaxda Galmudug ay yihiin Kuwa ukala qeybsan Labo Garab oo kala Degen Labo Magaalo.