Nin Soomaali Ah Oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe.

0
313
War Sugan Oo Aan Dhanna Ujanjeerin

Golaha Wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Ansixiyay xulashada Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Guddoomiyaha cusub ayaa markii xilka loo magacaabayay ka guuleystay ilaa 140 ruux oo jagadaas u taagneyd.

Bishii Janaayo ayay ahayd markii golaha baarlamaanka ay ansixiyeen wax ka badelka qodob ku jiray xeerka Bangiga Dhexe , kaas oo sheegayay in qof aan Soomaali ahayn loo magacaabi karin xilka guddoomiyaha bangiga.

158 xildhibaan ayaa u codeysay wax ka badelka, halka 17 xildhibaan ay diideen.

Waxaa jiray buuq xooggan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in nin ajnabi ah oo caddaan ah lagu wado in loo magacaabo guddoomiyaha bangiga dhexe.

Hase yeeshee saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa noo sheegay in ujeedka uu yahay in la helo xeeldheerayaal ka shaqeeya bangiga oo ay sheegeen in qodobada ku jira sharciga uu dabar ku yahay.