Goorma Ayaa Dalka Lagu Soo Rogi Karaa Xalad Deg-Deg Ah? Yaase Ku Dhawaqi Kara? Habraceese Lomarayaa?

0
426

Mogadisho:- (Gargaar.net):- Magaaladda Caasimada ahi ee Muqdisho Waxaa Shalay looga Dhawaaqay Xaalad Deg Deg ah kadib Markii Bishan Maarso loo caal waaye Amniga Magaali madaxda Dalka.

Gudoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisoow“.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisoow ayaa Sheegay in Magaaladda Muqdisho lagu soo rogay Xaalad Deg Deg ah Kadib Kulamo Maalmihii Ugu Dambeeyey Madaxda Qaranku ay ku ku lahaayeen Muqdisho oo lagu Gorfeynayo Ammaanka Guud ee Dalka gaar ahaan Amniga Caasimadda.

Hadaba Qormadan waxaan Ku Eegeynaa Goorma ayaa Magaalo ama Dalka Lagu Soo Rogi Karaa Xaalad Deg Deg Ah?   Yaase Ku Soo Rogi Kara?

   XAALAD DEG DEG AH.

Xalay ilaa Saakay Dadka Reer Muqdisho waxaa ay Hadal hayaan Xaaladan Cusub ee Deg Dega ahi ee Magaaladda Lagu Soo Rogay.

Goobaha Fadhi ku diriradda iyo Meelaha Dadku ay isugu yimaadaanba Dadku arinkan ayey hadal hayaan iyadda oo Bulshadda Qeebaheeda kala Duwanba ay aad uga Doodayaan oo Maskaxdoodu waxaa ka dhex Guuxaya Su’aalo Dhowr ah.

Su’aalaha Dadku Isweydiinayaan Waxaa kamid ah:- Hadaba Goormaa la soo rogi karaa? yaase ku dhawaaqi kara Xaalad deg deg ah? Habraac noocee ah ayaa loo maraa? Yaa ansixinaya? Muddo intee la eg ayay socon kartaa? Maxaa ka ratibmaya ama ka dhalanaya Xaaladda Deg deg ah?

             Dastuurku Muxuu Ka Qabaa?

Sida uu qabo qodobka 131aad faqradaha 1aad ilaa 7aad ee Dastuurka KMG, Xaalad deg deg ah waxaa waddanka ama qayb ka mid ah lagu soo rogi karaa keliya haddii ay dhacdo xaalad ba’an oo dagaal, weerar ama mubiibo ayadoo loo marayo habraac gaar ah.

Habraacaas waxaa uu yahay in Golaha Wasiirada soojeediyaan Madaxweynahana uu labada Gole ee Baarlamaanka ka codsado inay ka doodaan ayna ku ansixiyaan muddo 21 maalmood gudohood ah, xaaladdaas waxaa la ogol yahay inay socoto ugu badnaan lix bilood.

Ku dhawaaqista xaalad deg deg ah waxaa ay Laanta Fulinta siinaysaa awoodo dheeri ah oo wax looga qabto xaaladda taagan.

Balseawoodahaas looguma xadgudbi karo xuquuqaadka Dastuuriga ah.

Waxaa haddaba igu taagan dhowr su’aalood oo ku aadan xaaladdan la sheegey.

Su’aasha koowaad waxaa ay tahay Xaalad deg deg ah waxaa loo sameeyaa Xaalad cusub, maxaa hadda ku soo beegay anagoo og in dhowr sano ay dhibaatadan socotey?

DUQ Magaalo-se ma ku dhawaaqi karaa xaalad deg deg ah? Sidoo kale habraacii ma loo marey uu Dastuurku sheegayey?

Muqdishu soo horeyba xaalad deg deg ah uguma jirin oo dhibaatada hadda ay shacabku qabaan miyaa mid kale loogu dari karaa?

Dadka Reer Muqdisho waxaa ay qabaan in tani ay tahay mid lagu abuurayo dhibaatooyin hor leh iyadda oo Shacabka Soomaaliyeed ay horeba u dhibaateysnaayeen oo iyadda oo wadooyinku ay xiran yihiin oo ay Kugtooda Maalayeen hadana ay usii dheereed Amnidaro Iyo Qaraxyo Kilaafta Nolosha Boqolaal iyagga kamida.

Waxaase Xusid mudan in Hadii Xaaladdan Deg Dega ah ee lagu dhawaaqay Aan Loomarin Habraaca Ku Cad Dastuurka Dalka ee labaalmaro in ay ka dhalan karto in Maxkamad lasoo taago.

Dhaxgaan Waa Weyn ayaa lagu Xiray Wadooyinka Halboolaha U Ah Muqdisho

Wadooyin Dhowr ah oo kuyaala Muqdisho waxaa Lagu Xiray Dhagxaan iyadda oo Magaaladdu lookala Qeybiyey Labo Qeybood.

Dadka Soomaaliyeed ayaa u arka talabadan ah in Ammaanka Muqdisho lagu aamino Dhagxaan in aaan Ammaan lagu sugi karin in iyagga un lagu dhibaateeyo Mooyee.

Wadooyin Kale Oo Kamida Caasimada ayaa Laxirayaa Shacabkuna Ha Sabraan!

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Waxaa uu Warbaahinta u sheegay in Shacabku looga baahan yahay in ay Samraan oo ay garab istaagaan Laamaha Ammaanka Mudada ay Howlgaladu Socdaan ayna u Dulqaataan Culeysyadda Jira Balse Ma uusan Cadeyn Mudada Dhabta ah oo ay Ku Egtahay Xaaladan Deg Dega ah oo aan Loomarin Habraaca Saxda ah.