Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo U Baaqday Kooram La’aan.

0
334

Kulan Magaaladda Muqdisho ay ku lahaayeen Sabtida Maanta Ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday Kooram La’aan Maadaama Tiradii loo baahnaa ay soo xaadiri waayeen.

Kulankan oo ahaa Kii ugu Horeeye Kala-Fadhiga 5-Aad ee Baarlamaanka ayaa Baaqday iyadda oo Dhawaanna Gudoonka Baarlamaanka Xildhibaanadda Ugu baaqay in ay soo xaadiraan gaar ahaan kuwa Dibadda ku maqan.

Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa Maanta ku madlanaa in Warbixin ay ka dhageystaan Gudigga Labada Gole uqaabilsan Hirgalinta iyo Qabyotirka Dastuurka oo Mudoiyinkii Dambe ku Howlanaa Sidii Dastuurka Loo Dhameystiri lahaa.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa Aad loo adkeeyey iyadda oo ay xirbaayeen Wadooyinka Udhaw Xarunta.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta tagay Xarunta iyagga oo wata Waraaqo ay ku xardhanaayeen Hal ku dhigyo ay kamid yihiin “Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Federaalka Soonaaliya Waa Gole Matala Shacabka La Xasuuqayo ee Maaha Golaha Sacabka”!

Waxaa sidookale Boorarkaa Ku Qornaa “Dhiiga Shacabka ee Daadanaya iyo Dastuurka Yaa Weyn.?”

Madaxweynaha JFS ayaa 27-kii bishan furay Kalfadhigani, kadib munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka Ciidanka Booliska General Kaahiye ee M/Muqdisho.