Jowhar:- Madaxweyne Waare Iyo Golahiisa Wasiiradda Oo Ka Arinsaday Ammaanka.

0
272

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Sabtida Maanta ah kulan laqaatay Xubnaha Golaha Wasiiradda Maamulka Hirshabelle.

Kulanka oo Ka Dhacay Magaaladda Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi sidookalena Xarun u ah Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa waxaa looga arinsaday arimaha Ammaanka.

Xogo uu helay Warsidaha Gargaar.net ayaa sheegaya in Kulanka La isugu soo qaaday sidii loo adkeyn lahaa Amniga Guud ahaan Deegaanadda Hirshabelle iyadda oo Deegaanadda Al-Shabaab ay kagacnta ku hayaanna la isku soo qaaday sidii looga Xureynlahaa.

Deegaanadda Qaar ee Hirshabelle waxaa ka taagan Dagaalo Beleedyo iyadda oo Deegaanadda Qaarkoodna ay Gacanta ku hayaan Dagaalyahanadda Al-Shabaab Deegaanadda Qaarkoodna ay isku hayaan Al-Shabaab iyo Dagaalameyaasha Macawiisleyda oo ah Shacab iskood isku abaabulay.

Kulankan ayaa imaanaya iyadda oo Qeebo badan oo kamida Deegaanadda Iyo Degmooyinka Hirshabelle ay ka arimiyaan Xarakadda Al-Shabaab iyadda oo ay Xusid mudan tahay in Deegaano Badan oo katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ay dhawaan isaga soo baxeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo ka cabanaya Mushaar La’aan.