Madaxweyne Farmaajo Oo Booqday Qaar Kamida Xeryaha Ciidamadda Xoogga Dalka.

0
387

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahi ee Soomaaliya Maxamed Candullahi Farmaajo ayaa Maanta Booqday Qaar badan oo kamida Xeryaha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee kuyaala Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Socdaalkan ugu Kuurgalaye Xaaladda Ciidamadda Xooga Dalka ee Xeryahaasi ku sugan iyadda oo mudooyinkii Dambe Ciidamadda Qaarkood ay ka cabanayeen Mushaar la’aan qeebo badan oo kamida Goboladda Dalka Soomaaliya.

Marka uu Madaxweyne Farmaajo uu Gaaray Qaarkamida xeryaha Ciidamadda Xoogga Dalka ayaa waxaa uu halkaa ka jeediyey Khudbado ku aadan Dardaaran iyo Dhiiragalin sida ay Gargaar.net u xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Ciidanka Xooga dalka oo aynu la xeriirnay.

Majiro wax faahfaahin intaa Dhaafsan oo ay warbaahintu heshay madaama Codadka Filimadda laga duubo madaxda Dowladda ay duubaan Dad gaara oo madaxtooyadda u xilsaartay kadibna inta la jarjaro Warbaahinta lala Wadaago sida Mudooyinkan Dambe Madactooyadda Soomaaliya laga bartay.

Wixii akhbaaraadkaasi kusoo kordhaana wararkeena dambe ayaadun ka daalacan foontaan insha’allah.