Al-Shabaab Oo Gudaha Ugalay Deegaanka Xawadley Furtayna Gawaari Dhowr ah.

0
420

Dagaalyahano hubeysan oo katirsan Xarakadda Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha ugaleen Deegaanka Xawaadleey oo katirsan Degmedda Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabelle.

Deegaanka waxaa dhawaan isaga soo baxay Ciidamadda Xooga Dalka Oo fariisimo Milatari kulahaa Deegaanka kadib markii ay ka gadoodeen Mushaar la’aan soo foodsaartay.

Dad goob jooge yaal ah ayaa Gargaar.net u sheegay in ay arkayeen Ciidamo aad ufara badan oo katirsan Al-Shabaab oo Deegaanka Ku sugan islamarkaana Mudo Saacado ah ayey Gaaf wareegayeen Dagaalyahanaddu sida wararka aynu ku heyno.

Dadka aynu lahadalnay waxaa ay inoo xaiijiyeen in Dagaalyahanada al-Shabaab ee Deegaanka yimi in ay Hore usii kaxeysteen Gawaari dhowr ah oo ay lahaayeen Dadka deegaanka.

Saacado kooban kadib ayaa dagaalyahanadu ay dib isaga baxeen Deegaanka iyadda oo aysan ka dhicin wax dagaal ah madaama ciidanka Xooga Dalka ay dhawaan soo faarijiyeen Fariisimihii ay ku lahaayeen Deegaanka Xawaadleey iyo Deegaano kale oo katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamadda Xooga Dalka oo kasoo baxay Deegaanada Gobolka ayaa la sheegay in ay xilligan ku sugan yihiin Degmedda Balcad oo Gobolka Shabellaha Dhexe ktirsan iyagga oo ku wajahan Magaaladda Caasimadda ahi ee Muqdisho.