New-Zeland:- Kumanaan Ruux Oo Xus-Barordiiq Ah U Dhigay Dadkii Masaajidda Lagu Laayey.

0
429

New-Zeeland:-Gargaar.net:- Kumanaan Qof ayaa Jimcaha Maanta ah isugu soo baxay Fagaare Kuyaala Wadankaasi oo ay ugu Barordiiqayeen Dadkii ku Go’ay Weerarkii Dhawaan Masaajida uu kuqaaday Qof Hubeysan.

Aadaanka Salaadda ayaa Cod kor ah lagu qaaday iyadda oo mudo dadku ay aamusmaayeen oo ay muujinayeen Sida ay uga xun Yihiin weerarkaa.

Dadkan ayaa isugu soobaxay Fagaare weyn oo aan sidaa uga Fogeen Masjidka Al-Nuur layiraahdo oo kamida Labadda Masjid ee la weeraray.

Ra’isulwasaaraha Wadankaasi New Zeeland ayaa Soo dhex gashay Boqolaalka Ruux ee Iskusoo.naxa dhigaye iyadda oo dadka Musliminta ahi lawadagtay sida dhacdadan ay uga xuntahay.

Imaamka Masjidka waxaa uu sheegay in Baqdin ay lasoo daristay markii uu dhacay weerarkan Bahalnimadda ah oo ay Niyad jabeen Balse aysan iyagu jabin.

Qeebo badan oo kamida Dunida Muslimka ah ayaa aad uga carooday weerarkan iyagga oo aad u cambaareeyey Weerarkaa oo Qof Hubeysan uu kuqaaday Labo Masjid Xilli dadku ay utaagnaayeen Salaada Jimcaha Waxaana Weerarkaa uu dhacay Jimcihii Hore.