Galmudug Oo Shaacisay Xilliga La Qabanayo Doorashada Maamulkaasi.

0
274

Madxda Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Arimaha laxrriira Doorashooyinka Galmudug xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in Doorashoiyin Deegaanadaa looga Dareerayo Bisha Juun ee inasoo aadan.

Madaxweynaha Maamulkaasi Axned Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheakh Shakir waxaa ay sheegeen in aysan suuragal aheyn in Xilligan ay Doorasho ka dhacdo Deegaanada Maamulkaasi.

Labadan Mas’uul ayaa sheegay in Doorashoyinka Maamulkaasi ay dhici doonaan Sedex sano kadib xilli wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliyana ay sheegtay in Dhawaan Doorashadu laqaban doono.

Dadka falanqeeya arimaha Soomaaliya ayaa u arka in Doorasho Xur iyo Xalaal ah aysan ka dhici katin Galmudug iyadda oo aan la sameyn Dib u heshiisiin Madaama Madaxda Maamulkaasi ay kala qeysan yihiin.

Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug ayaa ah kuwa ukala qeysan Labo garab iyadda oo sidookale aysan Wanaagsaneen Siyaasadda Maamulkaasi iyo Madaxda Dowladda dhexe ee federaalka.

Go’aano is qilaafaya ayaa kasoo kala baxaya madaxda labada garab ee galmudug tan iyo markii Dowladda Dhexe ay shaacisay waqtiga Deegaan Doorashadaasi laqabanayo.