Fariin Adag Oo Loo Diray Mudaneyaasha Baarlamaanka Ee Ku Maqan Dalalka Dibedda.

0
292

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Fariin adag u diray Xildhibaanada Baarlamaanka ee Dalka Kamaqan.

Mudaneyaal badan oo kamida Xubnaha Baarlamaanka ayaa ku sugan Dalka Dibadiisa iyadda oo dhawaantan lagu wado in uu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka taasina ay caqabad ku noqonkarto in Xubnaha Qaarkood ay dalka kamaqnaadaan.

Xoghayaha Aqalka Hoose, C/kariin Xaaji Cabdi [Buux] ayaa sheegay in mudanayaasha looga baahan in ay wadanka kusoo laabtan kahor 27-da bishaan.

27-da bishaan ayaa lagu wadaa in uu furmo kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Wakiilada rayidka, kaasi oo socon doona muddo afar bilood ah.

“Waxaa na hortaala shaqooyinka badan, marka xildhibaanada ka tirsan gollaha ee wadanka ka maqan waa in ay dalka si deg deg  ah ugu soo laabtaan,” ayuu yiri.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa Horyaala Qodobo dhowr ah oo ubaahan in ay meel mariyaan iyadda oo Mudanayaasha Baarlamaankana ay saaran tahay Mas’uuliyad adag madaama ay yihiin Wakiiladda Shacabka Soomaaliyeed.