Dowladaha Japan Iyo Italy Oo Lacago Ugu Deeqay Soomaaliya.

0
278

Dowladda Japan ayaa lacag gaareysa 69 Milyan oo dollar ugu deeqday wadamo  ay ka mid tahay Somaliya sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka baxay dalkaasi.

Qaramadda Midoobe waxaa ay sheegtay in Lacagtan wax looga qabanayo Xaaladaha Deg dega ah ee 28-dal oo kuyaala Africa iyadda oo Xustay in 18-milyan oo kamida lacagahaasi wax looga qabanayo 20-milyan oo Ruux oo Yemen Kunool.

2 Milyan oo dollar oo ka mid ah lacagahahaasi oo Japan ugu deeqday qaramada midoobay ayaa lagu in gargaar lagu gaarsiiyo dadka dhibaatooyin bani,aadinimo ay ku haysto somaliya.

Dhinaca kale Dowladda Talyaaniga ayaa iyaduna la sheegay in Hal Milyan oo Yuuroo  ay ugu deeqday Sanduuqa Lacagta ee Soomaaliya si wax looga qabto waxyaabaha Muhiimka ah.

Lacagtan ayaa la sheegay in lagu Bixin doono Arimaha Ammaanka, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Hormarka, iyo Dowlad Dhisidda.

Lacagtan waxaa ay noqoneysaa Tii Sedexaad ee Dowladda Italy ugu yaboohdo Sanduuqa Lacagta Ee Soomaaliya iyadda oo Wadarta Guud ee Lacagta Talyaaniga ugu Yaboohayo Soomaaliyana ay ka dhigeyso 3.5 Milyan Oo Yuuroo.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamida Dowladaha sida Dhaw Utaageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.