Video:- Sidee Loo Xidhay Agaasimihii Warfaafinta S/Land Oo Musuq-Maasuq Lagu Eedeyey.?

0
332

 

Ciidamadda Ammaanka Maamulka Soomaaliland ayaa Xalay udhacay Hoyga Agaasimihii Hore ee wasaaradda Warfaafinta S/land Dr. Cismaan Xuseen Warsame ee dhawaantan iscasilay kadib markii lagu soo oogay Dacwad laxeriirta Musuq-maasuq Baahsan oo uu geestay.

Mudooyinkii Dambe Xafiiska Hantidhowrka Ayaa Waday Baaritaano laxeriira Dhinaca Musuqa oo uu ka sameynaye Xafiisyadda Wasaaradaha Qaar ee S/land oo ay kamid tahay Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimihii Wasaarada Warfaafinta S/Land Cismaan Xusen Warsame.

Agaasimihii Wasaarada Warfaafinta S/Land Cismaan Xusen Warsame.
Agaasime Cismaam ayaa Dhawaantan iska Casilay Xilkan kadib Markii uu Xanuun lasoo Dirsay Sida Warbaahinta ay u xaqiijiyeen Qaar kamida Eheladiisa.

Xaaska Agaasimihii hore ee laxidhay ayaa Warbaahinta u sheegtay in Ciidamadda Ammaanka ay si aan wanaagsaneen ula dhaqmen Seygeeda Oo Xil kasoo qabtay S/land Markii ay Xirayeen iyadda oo Tilmaamatay in Mudooyinkii Dambe uu ahaa Qof Xanunsan.

Waxaa ay sidookale sheegtay in iyadda nafteeda Lajirdilay oo Xabsiga loo dhaadhiciyey inkastoo Mar dambe lasoo daayey

Halkan Hoose Ka Daalaco Vidio-ga Cabashadda Qoyska Agaasimaha La Xidhay.