Galmudug Oo Ciidamo Kala Dhex Dhigeysa Maleshiyaad Ku Dagaalamaya Deegaanka Xeraale.

0
353

Waxaa Saakay Degen Xaaladda Deegaanka Xeraale oo katirsan Gobolka Galgaduud.

Deegaanka waxaa Mudooyinkanba ku dagaalamaye labo beelood oo walaalo ah oo halkaa wada daga kuwaasi oo dhowr jeer oo hore dagaal uu dhex maray.

Waxaa soconaya dadaalo xal loogu raadinayo dagaal beeleedkaasi taasi oo lagu doonayo in markale halkaa uusan ku daadan dhiig sukeeye.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Galmudug ayaa Gargaar.net u sheegay in ay wadaan qorshe ay ciidamo ku kala dhex dhigayaan Maleeshiyaadka Ku dagaalamaya Deegaanka Xeraale.

Waxaa sidookale soconaya dadaalo nabadeed oo ay wadaan Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka balse ilaa iminka ma muuqato Natiijo wax ku oola oo ku aadan sidii loo baajin lahaa in markale uu dhiig daato.

Dhowr jeer oo hore waxaa guul darestay heshiisyo Nabadeed oo ay kala saxiixdeen labada Qabaa’il ee dagaalku uu ka dhex oogan yahay iyadda oo ay isku hayaan Dhuldaaqsin iyo Ceelal biyoodyo ay labada dhinac kala sheeganayaan.

Wixii wararkaa kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net