Fanaaniinta Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal Oo Muqdisho Soo Gaaray.

0
667

Fanaaniinta Xasan Aadan Samatar “Xasan Baashi” iyo Axmed Cali Cigaal ayaa Maanta Soogaaray Magaaladda Muqdisho ee Caasimdda Dalka kafib Mudo 30-Sano ah oo ay Dalka Ka Maqnaayeen.

Fanaaniintan Oo ah Hormuudka Fanka Soomaaliyeed ayaa Si lama filaan ah Maanta Dib ugu soo labtay Dalka kadib Markii ay kamid Noqdeen Wafdiga Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar  Gelle.

Waxa sidookale Socdaalka Fanaaniintan Kamid ahaa Fanaanka Caanka ah ee Reer Jabuuti Cawaale Aadan oo aad ugu heesa Heesaha Soomaalida islamarkaana Kaalimahiisa Suugaaneed aad u xiiseeyaan Bulshadda Soomaaliyeed Qeebaheeda Kala Duwan.

Waxaa sidookale Qeeb ka ahaa Socdaalka Fanaaniintan Soomaaliyeed ee Muqdisho Fanaaniin kale oo Reer Jabuuti ah.

Waxaa ay tani ka dhigan tahay Markii ugu Horeysay oo Fanaaniin Miisaankan Leh ay Yimaadaan Muqdisho Kadib Burburkii Dalka.