Puntiland Oo Dil Ku Xukuntay 5-Ruux Oo Kufsi Wadareed Geysatay.

0
308

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa Sabtida Maanta ah Xukuno Dil ah ku Riday 5-Ruux oo lagu eedeeyey in Magaaladda Galkacyo Ka geysteen kufsi wadareed.

Ragan 5-ta ah ayaa Afar kamida waxaa laga soo qabtay Magaaladda Qardho halka midka kalena uu ku sugnaa Magaaladda Galkacyo oo uu Falkan ka heestay sida Maxkamadu ay sheegtay.

Ragan La Xukumay ayaa Lagu kalaagacaabaa Cabdi Risaaq axmed Cilmi,.  Cabdi risaaq Cali Cabdi,  yuusuf Cabdulaahi Xersi, Ugaas Mire Barre, iyo Cusmaan Maxamed Cabdullaahi Waana Dhalin yaro Da’doodu ay u dhexeyso 18-20 Sano jir.

Maxamed Faarax Xeer ilaaliye Ku Xigeenka Guud ee Puntiland waxaa uu warfidiyeenka u sheegay in Dhammaan Xubnahan ay Qirteen Dambiyadda Lagu soo oogay.

Halkan Hoose Ka Daalaco Warqadda 

Maxkamadda Gobolka Nugaal ee Puntiland ayaa Baadi goob ugu jirta halka ay jaan iyo Cirib dhigeen Labo ruux oo kale oo la tuhun sn yahay in 5-tan Ruux ay lawadaagaan Kufsi wadareedkan iyo Dilka kuwaasi oo aan la ogeyn Halka ay ku sugan yihiin iminka.