DAAWO:-VIDIO:- Puntiland Oo Dil Ku Xukuntay Arxanlaawe-yaashii Galkacyo Ka Geestay Kufsi Wadareedyo.

0
389

Maxkamadda Gobolka Nugaal ee Pintiland ayaa Sabtida Maanta ahi xukun Dil ah ku Riday Shan Ruux oo la sheegay in ay Kufsi wadareed iyo Dilba ka geesteen Galkacyo.

Ragan ayaa Maxkamadu ay amartay in Xabsiga lagu sii hayo inta Xukunka Lagu fulinayo.

Ragan ayaa 22- bishan Galkacyo ka heestay Kufsi wadareedyo waxaana xukunkan Dhacay kadib qiraalka eedeysanayaasha.

Halkan Hoose Ka Daalaco Video-ga.

Maxkamadda Gobolka Nugaal ee Puntiland ayaa Baadi Goob ugu jirta Labo ragga oo lasheegy in Falkan la wadaagaan Ragan 5-ta ah ee la xukumay kuwaasi oo aan haatan gacanta lagu heyn.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyey Xukunka Maxkamadda iyadda oo mudooyinkanba ay dadku ka dhur sugayeen Talaabadda Puntiland ay arinkan ka qaadan doonto.

Baraha Bulshadda waxaa Mudooyinkii Dambe Qabsaday Kufsi wadareedyo Dadku ay aad uga naxeen kuwaasi oo ka dhacay Meelo Badan oo kamida Goboladda Puntiland iyo Galmudug.