DEG DEG:- MUQDISHO:- Askari Toogtay Darawal Mooto Bajaaj.

0
368

Askari katirsan Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Toogtay Darawal Mooto Bajaaj.

Toogashadan ayaa ka dhacday isgooska Sanca Ee Magaaladda Muqdisho ee kala bara Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, iyo Shibis.

Dad goob jooge ah ayaa Gargaar.net u xaqiijiyey in Askariga uu wadaha Mootada Bajaajta ku amray In uu laabto Maadaama wadadu ay xirneed Tan iyo Weerarkii Xalay balse darawalku uu ka dhago adeegay.

Askariga dilka Geestay ayaa isaga baxsaday Goobta.

Dilalka nuucaani ah ayaa mudooyinkii dambe ku soo badanaye Muqdisho iyadda oo loo aaneynayo askarta Ciidamadda Dowladda Oo aan laheyn Tabar ku Filan.

Dilka kadib wada yaasha mootooyinka Bajaajta loo yaqaano ayaa dhigay isku soo bax kooban oo ay ku dalbanayeen in lasoo qabto askarigii Dilka Geestay.