DEG DEG:- Galkacyo:- Dad Loo Soo Qab-Qabtay Falkii Lagu Dilay Laguna Kufsaday Caa’isha.

0
473

 

Gargaar.net “Galkacyo”:-  Waxaa gacanta lagu dhigay Raggii Falkii Foosha xumaa ee waxooshnimada ahaa kula kacay Caa’isho Ilyaas oo ahayd Gabar 12 jir ah oo ardayad ahayd.

4 Ruux ayaa ka danbaysay Dilka iyo Kufsiga Caa’isho, waxayna Raggaasi ahaayeen Dariska Reerka ay Caa’isho ka dhalatay qaarkoodna dhanka Hooyada ayey Qaraabo kala ahayd sida la ii xaqiijiyey.

Caa’isha Cadaalad Bey Rabtaa!

Caa’isho ayaa la sheegay inaysan wax kalsooni daro ah ka qabin Wiilashaas waxayna ugu yeerteen guriga ay daganayeen oo u dhawaa Xaafadooda, Waxaa la sheegay in Raggaas Caa’isho ay mararka qaar caawin jirtay oo ay u soo hagaajin jirtay Guriga lagu kufsaday ee lagu dilay.

Kufsi kadib ayay si Foolxun u dileen iyagoo ka baqaya inay sheegto haday Nolol kusii daayaan.

Qabri ay Habeenimo qodeen ayey u sii diyaariyeen si ay ugu xabaalaan balse uma suura galin inay ku soo aasaan taas oo ku kaliftay inay banaanka Gurigii ay ka dhalatay soo dhigaan.

Waxaa kiiskaan Fududeeyeyna waxaa lagu sheegay ayadoo raggii qabriga diyaarintiisa ay lacagta kusiiyeen ay sheegeen arinka kadibna baaritaan dheer oo telfoonadii qabri qodaha lagala soo Xiriiray ayaa dib loo raacay ugu danbeyna Danbiilayaashii ayaa gacanta lagu hayaa hadda.