DEG DEG:- Qaraxyo Mataano Ah Oo Ciidamadda AMISOM Lagula Eegtay Muqdisho.

0
305

Wararka aynu ka heleyno isgoyska Ex-Contarol Balcad ayaa sheegaya in Qarax xoogan halkaa lagula beegsaday Ciidamo katirsan kuwa Howlgalka Amisom oo Halkaa Maraye.

Qaraxyadan oo labo ahaa ayaa la sheegay in midka Hore uu haleelay Gaari ay leeyihiin Ciidamada Amisom iyagga oo intaa kadibna hakiyey socdaalkooda.

Intaa kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo katirsan kuwa Boliiska Degmeda Heliwaa iyadda oo Halkaa uu markale ka Dhacay Qarax kale.

Ciidamadda AIMSOM iyo kuwa Boliiska Soomaaliya ayaa lasheegay in Dhowr jiho ay rasaas u rideen Qaraxyadan is xig xigay kadib sida Goobjooge yaal ay u sheegeen Warsidaha Gargaar.net.

Waxaa jira khasaare xoogan oo soogaray Ciidamadda Amisom inkastoo ilaa haatan aysan iyagu ka hadlin.

Majirto ilaa iminka Cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyadan Balse Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab ayaa inta badan Goboladda Dalka ka fulisa Qaraxyada Nuucaani ah.