Qaraxyo Mataano Ah Oo Muqdisho Lagula Eegtay AMISOM.

0
410

Kolonyo ay lasocdeen Ciidamadda Howlgalka Midowga Africa Ee AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in Qarax lagu la eegtay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxyadan oo labo ahaa ayaa waxaa ay kadhaceen Degmedda Yaaqshiid iyaga oo dhacay Daqiiqado isku dhaw.

Qof Goob jooge ah oo lahadlay Warsidaha Gargaar.net ayaa waxaa uu inoo sheegay in Qaraxa Koowaad uu ka dhacay Inta u dhexeysa Ex-Contarool iyo Miisaanka Dhuxusha iyadda oo lala eegtay Midkamida Gawaarida AMISOM oo kamid ahaa Kolonyo halkaa ku socdaalaye.

Qaraxa kale ayaa isna lala eegtay Gawaari ay leeyihiin Amisom oo Gurmad ugu soo socday Gawaarida Qaraxu uu haleelay.

Majiro Wax faahfaahin ah oo kasoo baxay Dhinaca Amisom oo ku aadan Qaraxyadaa Mataanaha ah.

Goob joogaha nala hadlay waxaa Gargaar.net u sheegay in Qaraxa kadib ay fureen Rasaas Xoogan  oo aan loo meel dayin.

Majiro cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyadda lala eegtay Kolonyadda AMISOM.

Wixii faahfaahin arinkaa ku saabsan oo soo kordhaa kala soco Gargaar.net.