DEG DEG:- Xildhibaan Katirsan Barlamanka KGS Oo Qarax Lagula Eegtay Muqdisho.

0
344

Wararka aynu ka heleyno isgooska 14-Octomber Ex Zoobe ayaa sheegaya in Qarax Xoogan uu Goordhaweed ka dhacay halkaa.

Qaraxan ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu Xiray Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Maamulka Koofur-galbeed.

Xildhibaankan ayaa lagu magacaabaa Cartan Bidaar Waxaana uu kamid yahay Mudaneyaasha Baarlamaanka KGS.

Qof Goob jooge ah ayaa Gargaar.net u xaqiijiyey in Qaraxan uu dhaawac ka soo gaaray labo ruux oo shacab ah oo mid kanida uu yahay Darawal Mooto Bajaaj.

Waxaana jirin wax khasaare ah oo qaraxaasi kasoo gaaray Xildhibaanka gaarigiisa loogu xiray Marka laga soo tago Gaariga oo ahaa Nuuca aan Xabadaha Karin oo ay wax yeelo kasoo gaartay.

Sidookale majiro wax war ah oo kasoo baxay xildhibaanka iyo Sidookale Dowladda Federaalka.

Waxaana sidookale jirin Cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxan iyadda oo ay Xusid mudan tahay in Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay weeraro Nuucani oo kale ah ay ka fuliyaan Magaaladda Caasimadda ahi ee Muqdisho.