Al-Shabaab iyo Ciidamadda DFS Oo Ku Dagaalamay Duuleedka Muqdisho.

0
381

Waxaa warar Dheeraada ay kasoo baxayaan Dagaal Xoogan oo Saacadihii ugu Dambeeyey ka dhacay Duuleedka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyey Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xaraladda Al-Shabaab.

Waxaa uu ka dhacay Deegaanka Jaziira ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Goob jooge ku sugan Jasiira ayaa Gargaar.net u sheegay in Dagaalka oo saacado qaatay la isku adeegsaday Hubka nuucuadiisa kala Duwan.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab ayaa Qoraal kooban oo ay soo dhigeen Baraha Bulshadda oo ay wararkooda ku faafistaan waxaa ay ku sheegeen in ay Dagaalka kula wareegeen Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Federaalka Majiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan Dagaalkan.

Dagaalyahanadda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro Nuucani oo kale ah ka fuliya Qeebo badan oo kamida Goboladda Dalka Soomaaliya.