Madaxweyne Farmaajo:- “Waxaad Arkeysaa Nin Shalay Xidigle Ahaa Oo Maantana Ah Gaashaanle Dhexe”!

0
343

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ahi ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ka Hadlay Dalacsiinta Saraakiisha iyo Askarta Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo Dad badani ay Aaminsan yihiin in aan loomarin Wadadii Saxda aheed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qiray in dalacsiinta aan mararka qaar loo marin wadadii saxda ahaa, isagoo sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay keensadaan askarta iyo saraakiisha ay rabaan in darajooyin loo xiro, si uu u yareeyo culeysyada Siyaasadeed ee dalka ka jira.

“Waxaad arkeyaa qof garaado lagu siiyay qaab siyaasadeed waa xaqiiqo, Nin shalay ahaa xidigle oo Xildhibaan firfircoon leh, Xildhibaankii firfircoonaa damcay inuu ka faa’ideysto xaalada Siyaasadeed iyo khilaafaadka jirta”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku micneeyay sababta ay isugu hoggaansami la’yihiin Saraakiisha iyo Askarta in la arko, iyadoo si degdeg ah looga sara mariyo Saraakiisha Askartooda, taasoo keeneysa in Sarkaalka aanu hoggaansamin, maadaama uu ogyahay in waxa askariga looga sare mariyay aanay aheyn Aqoon, balse ay tahay xal Siyaasadeed oo la gaaray kaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku faanay in Dowladiisa ay meesha ka saartay habkaas loo maro dalacsiinta, wuxuuna sheegay in Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta laga xirtay Albaabkaas, howsha dalacsiintana hada ay ka go’do Taliyayaasha Ciidanka, iyagoo soo bandhigaya waxa uu ku muteystay qofka la dalacsiinayo.

Hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa qudhiisa dhaliilo kala kulmay magacaabida Taliye kuxigeenka Booliska oo loo magacaabay gabadhii u horeysay Zakiya Xuseen Axmed loona loo dalacsiiyay darajada Sarreeye Guuto iyo Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raagge oo isna loo dalacsiiyay darajada Sarreeyo Guuto, kuwaasoo ka hor inta aan la magacaabin darajadooda hooseysay, waxaana siyaasiyiin badan sheegeen in dhalinyarnimadooda iyo darajada la siiyay aanay aheyn mid iska turjumeysa, ayna qeyb ka tahay jaantaa roganka ka jirta darajooyinka ciidanka.